Dowladda Soomaaliya oo ka digtay fatahaada Wabiyada

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xiriirta fatahaado xoogan oo Wabiga Shabelle laga cabsi qabo inuu ka geysto degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe.
Siihaya xilka Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay uu Biyo horleh keenay Wabiga Shabeelle, isla markaana laga cabsi qabo inuu ka fataho degaano hoostaga Magaalooyinka Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyo Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada dhexe.
Waxaa uu sheegay in roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ay dhulka Buuraleyda ah ee Itoobiya ay Sababtay in Wabiga uu Biyo badan keeno,taasina ay sababi karto fatahaado ka dhaca degaannada uu maro Wabiga Shabeelle, isla markaana Hor seedi karta dhimasho & burbur hantiyaded oo hor leh.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa ugu baaqay dadka ku nool hareeraha wabiga inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan kana fogaadaan meelaha biyo baxada u sahlan.
Horay ayaa Wabiga Shabeelle waxaa uu fatahaad uga geystay degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe,Shabeelada Hoose iyo Hiiraan,waxaana uu sababay inay kumanaan qoys barakacaan sidoo kalena ay biyuhu gabi ahaanba qaadaan daligii qaybo badan oo ka mid ah dhulbeereedka goboladaas ku yaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here