Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay cilad ku timid diyaarad ka duushay garoonka Aadan Cadde

Hay’adda duulista rayidka soomaaliyeed ayaa warka soo saartay diyaarad sidday 207 rakaab ah oo ku wajahnayd dalka Turkiga taasoo la kulantay ciladda dhinaca oxygen-ka ah kaddib markii uu gabaabsi ku noqday xilli ay sii galaysay hawada dhinaca dalka Itoobiya.
Sida ay Xaqiijiyeen maamulka hay’adda duulista rayidka Soomaaliya diyaaradda ayaa si nabad ah ku soo caga dhigatay iyadoo ay eegayaan injineerada Shirkadda duulimaadka si loo hagaajiyo cilladda ku timid diyaaradaasi.
Warka ka soo baxay hay’dda duulista rayidka soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in diyaaraddu saacadu marka ay aheyd 1:15 dqiiqo ka duushay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho markii ay ku dhaweyd hawada dalka Itoobiyana ay ku timid cilad hase ahaatee markii dambe si nabad ah dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cadde iyadoo bad qabta halisna aysan jirin.
Ugu dambeyn diyaaradda ayaa loo hagaajiyay xiriirka duulimaadka kaddibna ka duushay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyadoo kusii jeeda dalka Turkiga oo ay hore ugu socotay.
Shirkada duulimaadka ee Turkish airline ayaa dalka Soomaaliya ka bilowday duulimaadyo joogto ah sanadkii 2012-kii, Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu awoodda badan ee dowladda Soomaaliya waxaana la tilmaamaay inay dhaqaale badan ku bixiyeen arrimaha Soomaaliya ayadoo u isticmaalay 1 bilyan oo doolar sanadkii 2011-kii taasi oo isagu jirta gaargaar iyo soo celinta kaabayaasha dalka ee burburay 30-sano kahor xiligaas oo sidoo kale Soomaaliya ay ka jirtay Xaalad binu aadanimo oo aad u daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here