Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Go’aanka ay ku dhawaaqday ICJ ka dib markii ay maxkmadda dib u dhigtay dhagaysiga dacwada badda

Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada Adduunka ee ICJ ayaa markii labaad dib u dhigtay dhageysiga dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Ambassador Cali Siciid Faqi ayaa xaqiijiyey in dhagaysiga dacwaddii badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya dib loo dhigay.
Ku-Simaha Ra’iisulwasaaraha ahna Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladdu oggoshahay go’aanka maxkamadda oo noqon doona mid kama dambeys ah.
Maxkamada ICJ waxay galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12, 2020. Iyadoo go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin.
4-ta bisha Noofembar ee soo socota ayaa lagu waday in la dhageysto Dacwadda labadda dal, laakiin dowladda Kenya si cad uga Cudurdaaratay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here