Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Guusha ay Kenya ka gaartay Jabuuti

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay guushii ay Dowladda Kenya ka gaartay dowladda Jabuuti ee ku aadan helida kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Axmed Ciise Cawad, wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dowladda Kenya ugu hambalyeeyey Gushaas,isaga oo sheegay in uu ka rajeynayo inay si wanaagsan ugu matasho Danaha Gobolka
Waxaa uu hambalyadaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.
” Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed, waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Kenya oo loo doorto xubin aan joogto aheyn oo ka tirsan QM, Waxaan ku kalsoonahay Kenya inay si wanaagsan u matasho danaha gobolkeena ayuu yiri” Amb. Axmed Ciise Cawad.
Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf ka ku saleysan badda waxaana dacwad ay hor taalaa Maxkamadda Icj.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here