Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Masuul qarax lagu dilay

Waxaa Xalau Qarax lagu dilay Sarkaal ka mid ahaa howlwadeedanada Wasaarada Calaada dowlada Fedraalka ee Soomaaliya waxaana dilkaas ka hadlay Masuuliyiin dowlada ka tirsan.
Qarax Miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa xalay waxaa uu ka dhacay kasoo horjeedka Maqaayada Crems oo ku taalla Agagaarka Isgoyska Taleex degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho,waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Qaraxa oo la sheegay in lala eegtay Gaari uu leeyahay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa waxaa ku geeriyooday Wiil Dhalinyaro ahaa kana tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaalladda ee Xukuumadda Soomaaliya,kaasoo lagu Magacaabi jiray Ilyaas Sheekh Maxamed Cabdi Kariin halka Saddex Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa uga tacsiyadeeyay ehellada, Asbaanta iyo qarankii uu u shaqaynayay ee uu ka geeriyooday Marxuum Ilyaas Sheekh Maxamed Cabdi Kariin oo kamid ahaa Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.
Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar waxyelo ay kasoo gaartaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, Askar iyo dad Shacab ah oo ku sugan meelo u dhow halka uu qaraxa ka dhaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here