Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay dhaliil uga timid mucaaradka

Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal dhawaan kasoo yeeray Xisbiyada Mucaaradka kaasi oo ku aaddana Guddiyada Doorashooyinka ee ka shaqayn doona doorashada soo aaddan ee la filayo in ay dalka ka dhacdo dhammaadka sanadkaan iyo billowga sanadka soo aaddan.
Ra’iisul wasaare ku Xigeenka Dalka soomaaliya Mahdi Maxmed Guuleed Khadar ayaa ka jawabay hadalada dhaleecaynta ahaa e ka soo baxay Xubnaha Mucaaradka ah.
Waxaa uu sheegay Mahdi Guuleed in aysan sal iyo raad toona lahayn waxyaabaha ay sheegayan Xubnaha mucaaradka ee ku aaddan in Guddiyada la magacaabay ee ka shaqaynaya doorashada ay u badan yihiin Xubno ka tirsan Hay’adda NISA iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here