Dowladda Soomaaliya oo mas’uuliyiinteeda ka mamnuucday inay ka qeyb galaan shirarka lagu qabto Nairobi

Wargayska ka soo baxa gudaha dalka Kenya ee Daily Nation ayaa ku warramaya in dowladda Soomaaliya ay saraakiisheeda u diidday inay ka qeyb galaan kulamada lagu qabto caasimadda wadanka ee Nairobi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tallaabadan ay muujinayso khilaafka sii xoogaysanaya ee ka dhexeya labada dal ee dariska ah.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA, magaaladatani Nairobi muddo saacado ah ay ku xannibmeen wasiir ku xigeenka wasaaradda tamarta iyo biyaha dowladda federaalka soomaaliyaa Cusmaan Libaax Ibraahim iyo laba ka mid ah xubnaha aqalka sare kaddib markii loo diiday in dalkugalka loogu dhufto baasaboorro dibloomaasiyeed oo ay wateen.
Sido kale dowladda soomaaliya oo xannibaadaasi ku tilmaantay mid dhaawacaysa darisnimada ka dhexeysa labada dal ayay wararku sheegayaan inay hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgalo gudaha dalkeeda siisay muddo hal bil ah oo looga doonayo inay xarumahooda isugu geeyaan magaalada Muqdisho ama hadii kale laga mamnuucayo inay wadanka gudihiisa ka sii shaqeyaan.
Shalay ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ay hay’adaha qaramada midoobay iyo deeq bixiyaasha u qortay warqad ay ku dalbanayso in dib u qorsheyn lagu sameeyo kulamada lagu qaban lahaa Nairobi.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka soomaaliya Cabdullahi Xaashi Cali ayaa qoraalka ku sheegay in arrimo safarrada Nairobi la xariira awgood , wasaaraddu aynan u suurtagali karin inay ka qeybgasho kulamada, tababarada, aqoon isweydaarsiga iyo siminaarada la qorsheeyay iyo kuwa soo socdo ee ka dhacaya Nairobi sidaasi awgeed wasaaraddu ay ku talinayso in shirarkaasi ay ka qabsoomaan gudaha Soomaaliya ama dal kale.
Wasaaradda qorsheynta ee Soomaaliya ayaa sido kale sheegtay in hay’ad kasta oo aan dowli ahayn ama NGO oo weli ka howlgalaysa Nairobi laga mamnuuci doono inay ka shaqeyso gudaha Soomaaliya.
Tallaabooyinkan wadamada Kenya iyo Soomaaliya mid waliba uu ku muujinayo awooddiisa iyo madax bannaanidiisa dimuqaradiyadeed ayaa ku soo aadaya iyadoo ay ku muransan yihiin goobo shidaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here