Dowladda Soomaaliya oo safiir cusub u magacowda dalka Canada

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Canada Xasan Daahir Dimbil ayaa maanta gaaray dalkaas si uu u bilaabo howlihiisa shaqo, waxaana soo dhaweeyay soomaalida ku nool Magaalada Ottawa ee dalkaa Canada.
Amb, Xasan Daahir Dimbil oo uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu noqonayaa safiirkii ugu horeeyay ee Canada sanadihii ugu dambeeyay,waxaana Soomaaliya ay ahayd markii ugu dambeysay ee ay safiir u dirtay dalka Canada sanadkii 2014, kaasoo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdi (Gandi) uuna magacaabay Madaxweynihii xilligaas Xasan Sheekh Maxamuud.
Dimbil oo ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Boorama ayaa soo noqday wasiir ku xigeenka caafimaadka ee Somaliland wuxuuna qayb ka soo qaatayololaha ka dhanka ah gudniinka Fircooniga ah.
Safiirka cusub ee Soomaaliya ayaa ku sii jiri doona karantiil muddo 14 maalmood ah iyadoo la waafajinayo xeerarka COVID19 ee Kanada ka hor inta uusan bilaabin howshiisa.
Amb, Xasan Daahir Dimbil safiirka Cusub ee Soomaaliya u Magacaawday dalka Canada ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhaweynta diiran ee uu kala kulmay jaaliyadda Soomaalida- dalka Canada ee Magaalada Ottawa. Wuxuuna intaas ku daray inuu rajeynayo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Kanada iyo xiriirka dhaqaale ee labada dal ay wdaaagaan.
Soomaaliya iyo Canada malaha xiriir ganacsi oo adag, wuxuuna ganacsiga laba-geesoodka ah ee u dhexeeya labada dhinac la sheegee inuu bilaawday sanadkii 2018 wuxuu dhammaa in ka badan $ 9 milyan, Waxyaabihii ugu waaweynaa ee Canada ay Soomaaliya u soo dhoofisay sanadkii 2017 waxay ahaayeen gawaari iyo qalab, makiinado, alaabooyin dhar ah, caagag iyo qalab gaar ah sida la tilmaamay.
Canada markii ugu horreysay waxay xiriir diblomaasiyadeed la sameysay Dalka Soomaaliya sanadkii 1968, waana la hakiyay wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991. Canada waxay dib u soo ceshatay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Soomaaliya sanadkii 2013 ka dib aasaaskii Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here