Dowladda soomaaliya oo Shaacisay Dad Cusub Oo Ka Bogsaday Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay dad fara badan oo ka bogsaday Cudurka halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo uu horey ugu dhacay.
Waxaa qoraalka wasaaradda lagu sheegay in shanti maalmood ee ugu dambeysay cudurka COVID19 laga baaray 3,464 qof.
Waxaa cudurka laga helat 119 oo kala joogo
Puntland : 99
Somaliland: 18
Banadir: 2
Marka la eego dhanka jinsiyadda waxa lab ah 83 halka 37 ay dheddig yihiin.
Waxaa bogsaday 79 qof oo dheeraad mana jirto cid maalmahan gudahooda u dhimatay cudurka.
Tirada guud ee dadka laga helay cudurka COVID19 gudaha Soomaaliya waxay hadda tahay 3,864,waxaa ilaa iyo hadda caafimaaday 3,089 halka ay dhinteen 99

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here