Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in shirka 15 Ogoosto ka furmaya Dhuusamareeb ay ka qaybgalayaan Mucaaradka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Shirkii Magaalada Dhuusamareeb dhinacyadii ka qeyb galay ee Madaxda Dowladda & Maamul Goboleedyada ay ahaayeen dad ka wada tirsan dowladda balse ay meesha ka maqnaayeen kaalintii Xisbiyada Mucaaradka oo ayana muhiim ah.
Waxaa uu sheegay inay waajib ku aheyd Madaxda Xisbiyada inay dowladda Federaalka kala doodaan arrimaha doorashooyinka,balse taasi aysan dhicin,waxaana uu sicad u sheegay in shirka soo socda ay ka qeyb-geli doonaan axsaabta Mucaaradka ee Soomaaliya.
Wasiir Maareeye oo ka qeybgalay Barnaamij ka baxayay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhinacyada saamileyda Siyaasadeed ee dalka ay ka wada hadlaan doorashooyinka,isla markaana dowladda Somaaliya ay qorsheyneyso in Xisbiyada Mucaaradka ay ka qeyb-geliyaan shirka la fiayo inuu 15-ka Bisha Agoosto ka dhaco Magaalada Dhuusamareeb.
Inta badan Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya kajira ayaa si weyn u soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay Shirkii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb,waxana qaarkood ay dalbadeen in laga qeyb-geliyo Shirarka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here