Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamo ka tirsan kuwa DANAB ee xooga dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta waxaa ay weerar ku qaadeen degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo halkaasi kala wareegay Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in weerarkaas lagu dilay Saraakiil ay kamid yihiin, Madaxa Jugta Culus ee Gobolka Sh/Hoose Maxamuud Axmed Gaboobe Raage (Daariq), Madaxa Maaliyadda Kuntuwaareey Qaalid Cumar Sariix, Madaxa Maxkamadda Kuntuwaareey iyo degaanada hoos yimaada Muxsin Shiikh Cali iyo Madaxa Jabhadda ka howlgasha Kuntuwaareey (Saalaxudiin).
Wararka la helayo ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada DANAB ay howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafadaha degmada Kuntuwaareey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here