Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay saraakiil Shabaab ah

Ciidamada kumaandoosta xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgallo qorsheysan waxaay ka fuliyeen degaanka Gamboole oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay ku suganaayeen Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidanka DANAB ee howgalka hoggaaminayay ayaa waxaay sheegeen in howlgalkaas ay ku dileen Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Suleeymaan (Gacameey) iyo Saddex xubnood oo kale oo isga la socotay.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya waxaay sheegeen inuu sii socon doono howlgalka ka dhan ka ah Ururka Al-Shabaab, oo laga fulinayo degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe ee wali ay Gacanta ku hayaan shabaabku.
Ciidamada Kumaandooska DANAB ayaa inta badan waxaay howlgallo kala duwan ka sameeyaan degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka & labada Shabeelle, iyagoo howlgalladaas ku sheega inay ku dilaan Saraakiil ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here