Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay saraakiil Shabaab ah

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal Ciidamada Xoogga iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku dhex-maray deegaanka Buulalow oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Walanweyn ee gobolka shabeeladad hoose.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacadda Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen Madaxiii howlgelinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe & 50 Xubnood oo la socday.
Saraakiisha Danab ayaa Sarkaalka la dilay waxay magaciisa ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa howlgelinta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalka ka dhacay deegaanka Buulalow oo hoostaga degmada Afgooye ee G/Shabeellaha Hoose ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen Gaadiid ay wateen Ciidamada Dowladda, waxaana Al-Shabaab ay sheegteen inay weerarkaas ku dileen 25 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda wallow aysan jirin warar madax banana oo sheegashadaas xaqiijiyay.
Dhanka kale Dagaal kale ayaa waxaa uu degaanka Taabta ee duleedka degmada Dhoobleey Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen saldhigga Ciidamada AMISOM ee degaanka Taabta, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in muddo ah socday sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya tabinayso.
Dadka deegaanka Taabta ayaa Warbaahinta u sheegay inay maqlayeen dhawaaqa rasaasta labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaroa ka dhashay dagaalka, hayeeshee aysan weli si rasmi ah u cadeyn Karin.
Weerarka, kaddib ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamadu ay howlgal ka sameeyeen hareeraha degaanka taabta ee degmada Dhoobleey, iyagoo baadi goobayay Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday.
Dagaalkaan ka dhacay degaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli habeen ka hor Al-Shabaab ay weerareen degaanka hoosingoow oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland & AMISOM Sida ay warbahainta guduhu tabisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here