Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay guulo Caalimi ah ka gaartay arimo dhowr ah

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay horumar ballaaran ka sameysay xaqiijinta himilooyinka la xiriir hannaan howleedka loo yaqaan SENDAI (Sendai Framework for Disaster Risk Reduction).
Si loo yareeyo khataraha musiibooyinka dalka Soomaaliya ka dhaca, loona badbaadiyo naf iyo maalba, waxaa hannaan howlaadkiisu dhigayaa in dalkasta uu yeesho xarun qaran oo bixisa digniinaha hore ee halista dalka ka dhaca iyo waxyaabaha la filan karo.
iyadoo taas laga amba qaadeeyo, ayaay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Soomaaliya waxay sheegtay inay dadaal dheeraad ah ku bixisay sidii ay uga mira dhalin lahayd unkidda iyo la soo wareegidda habka isbadelka cimiladda iyo ka digtoonaanta khataraha la filan karo.
Dhawaan ayaa ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa si rasmi ah xariga kaga jaray xarunta bixin doonta mid ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan ee ah dhismaha itaalka bulshooyinka ku nool goballada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya.
Sidoo kale hiigsiga ku saabsan in la sameeyo xaruntaan waxey ku jirtay qorshaha Tubta arimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya halbeegiisa shanaad ‘5.2.’ taas oo looga gol lahaa in Wasaaraddu ay hirgaliso Xarun qaran oo bixisa digniinaha hore ee halis wadareedka.
Xaruntaan waxay digniinaha hore ka bixineeysaa halista ku soo fool-leh dadka iyo dalkaba sidaa darteed waxay ka koobantahay illaa afar qeeybood oo mid kasta ay qabato shaqa gooni ah, waxayna ay kala yihiin:
1- Qeybta xog ururinta iyo daraaseeynta halis-wadareedka
2- Qeybta adeega la socodka xaaladda iyo bixinta digniinaha halis-wadareedka
3- Qeeybta baahinta digniinaha hore ee halis-wadareedka
4- Qeeybta dejinaysa qorshaha ka jawaab celinta halis-wadareedka
Nidaamka ay xaruntaan ku shaqeeyso iyo adeega ay bixineeysaba dadka ayaa xudun u ah, waxaa sidoo kale nidaamkaan waajib ku ah inuu muwaadinka shakhsiga ah iyo bulshadaba awood u siiyo si ay goor hore u ogaadaan khatarta halista ku soo fool-leh, una helaan wakhti ku filan oo ay go’aan la xiriira badbaadadooda gaaraan.
Mabaadii’da Hagta Nidaamkan waxaa haga oo bud-dhig u ah qorshaha horumarinta qaranka, siyaasadda qaran ee Maareeynta Khataraha Musiibooyinka, sharciga qaran ee maareeynta musiibooyinka oo ay sumadiisu tahay (Lr. 17) iyo istaraatiijiyadda caalamiga ah ee (Sendai Framework) hadafkeeda (G) oo qeexaya lagama-maarmaannimada nidaamka bixiya digniinaha hore ee halis wadareedka.
Ku dhawaaqista Xaaladda degdega ah ee Masiibooyinka Sida ay qabto siyaasadda qaran ee maareeynta khataraha musiibooyinka, ku dhawaaqista xaaladaha degdega ah ee masiibooyinka dalka ka dhaca waxaa aasaas u ah in la hayo xog ku filan oo ga’aan lugu qaadan karo si loogu dhawaaqo xaalad degdeg ah.
Ku dhawaaqista xaaladaha degdega ah waxaa is ka leh Madaxweynaha Jamhuuriyadda sidaa darted ayuu nidaamkan ka digista halistu waxa uu u yahay udub dhexaadka iyo isha xogta la isticmaalayo marka lugu dhawaaqaayo xaaladda dedega ah.
Dhismaha nidaamka qaran Heykalka Dhismaha nidaamkan qaran wuxuu salka ku hayaa oo uu ku dhexdhisanyahay qaab dhismeedka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka, waaxdeeda Maareeynta khataraha musiibooyinka.
Sidoo kale waxay wada shaqeeyn joogta ah la yeelaneeysaa saktarada ay hogaanka u hayaan wasaaradaha kale ee dhigeeda ah, sida; wasaaraddaha adeega bulshada ka shaqeeya badankood.
Xogta ay Xaruntu soo saarto
Xogta rasmiga ah ee nidaamka xaruntu soo saarto waxaa ka mid ah; xogaha joogtada ah iyo midda xilliyeedka ah oo isugu jira (a) saadaasha roobabka, (b) saadaasha heerkulka (c) la socodka halista abaaraha (d) la socodka halista fatahaadaha (e) la socodka halista duufaannada (f) la socodka waxyeellada Ayaxa Saxaraha, iyo (g) halista cudurada faafa iyo kuwa saf-mareenka ah.
Xaruntani waxay ku shaqeeyneeysaa qalab casri ah oo isugu jira aalado kombiyuutar oo awood badan iyo shaashado aad u waaweeyn oo lagala socdo xaaladaha hadba sideey isku badalayaan.
Xarunta waxaa loo carbiyay shaqaale aqoon xambaarsan, joogto ah oo u dabacsan, kana soo bixi kara waajibaadka loo igmaday.
Sidoo kale xaruntani xogaha ay soo saarto waxaa loo baahiyaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Raadiyaha, Telefishinka, Mareegta internetka oo Website, Twitter iyo Facebook-ba leh, iyo qaab toos digniinaha loogu diro dowlad goboleedyada Federaalka ku mideeysan oo illaa heer dagme ayeey digniintaasi hadda gaari kartaa, waxaana rajeeyneeynaa in aan awood u helno sidii aan ku gaarsiin lahayn illaa iyo heer tuullo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here