Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay howlgal ku dileen Xubno shabaab ah

Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ee Danab ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano ka irsan Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha Ciidanka Danab ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka laga fuliyay degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, isla markaana lagu dilay Saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Gaashaanle Ismaaciil oo ka tirsan Danab ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo afar kale, kaas oo Magaciisa lagu sheegay Aadan Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abuu Salmaan).
Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidanka Danab oo ay wehlinayeen kuwa Mareykan ah waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka, hayeeshee howlgalkii ugu dambeeyay aysan weli ka hadlin Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here