Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay howlgal ku dileen Xubno shababa ah

Ciidanka Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Shabellada hoose waxaana la sheegay inay ku soo qabteen qaraxyo ay Al-Shabaab ku diyaariyeen duleedka deegaanka bariire.
Taliyaha ururka 143 ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgal lagu soo qabtay qaraxyo sidoo kale ay soo saareen qaraxyo kale oo ay Al-shabaab ku aaseen Tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka shabellada hoose.
Waxaa uu intaasi ku daray Taliyaha in Howlgalka qaraxyada lagu soo qabtay ay Ciidamada Xogga dalka Soomaaliya ku dileen Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-shabaab, kuwaasoo uu sheegay in ay gaarayaan 13 Xubnood.
Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa inta badan howlgallo ka fuliya degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose halkaasoo ka mid ahayd meelihii ay sida aadka ah ugu xoogganaaayeen shabaabku wallow ilaa bartamihii Sannadkii hore lagala wareegay deegaano ay muddo Soo maalayeen shababaku, hayeeshee ay mararka Qaar dagaalameyaasha Al-shabaab Weeraro ku soo qaadaan Fariisimaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here