Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay Sannadkaan musuqa la galeen dagaalkii ugu adkaa

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr, Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in dowladdu Sannadkan xoojisay la dagaallanka musuq-maasuq, taasoo kor u qaadday sumacada dalka iyo ilaalinta Xoolaha dadweynaha.
Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayay kulan uu la qaatay bahda caddaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adaha caddaaladda ee dowladda dhexe iyo garsoorku ay yihiin kuwa la rabo inay ku dedaalaan sinnaanta, si loo dabar gooyo musuq-maasuqa aafeeyay Soomaaliya.
Dr. Sulaymaan Maxamad Maxamuud ayaa tilmaamay inaysan sax ahayn in Soomaaliya Sannad kasta ay kaalinta koobaad uga jirto waddamada ugu musuqa badan Adduunka ayadoo dhanka kale dalka Soomaaliya la doonayo inuu sameeyo soo kabasho wanaagsan oo dhanka dhaqaalaha ah.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Sannadkan ay sameeyeen bahda Caddaaladda la dagaalankii ugu xoogga badnaa ee dhinaca Musuqa ah.
Dhawaan ayay ahayd markii ay Maxkamadda Gobolka Banaadir xukunno kala duwan oo isugu jiro Xabsiyo iyo ganaax lacageed ku ridday qaar ka mid ah shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay musuq iyo ku takrifal awoodeed.
Masuuliyiin dowlada dhexe ka tirsan ee Falalka Musuqa loo xiray ayaa waxaa ka mid ahaa Xubno ka tirsan Wasaaradaha Caafimaadka iyo Kaluumaysiga iyo masuuliyiin shirkado Ganacsi ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here