Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay sii Xoojinayso guulaha dhanka Maaliyadda

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta kulan la qaatay qaar kamid ah Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku Shaqada leh dhaqaalaha ee dalka.
Mahdi Guuleed sii haya Xilka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa warbixino ka dhageystay wasiirada, Maaliyadda, caafimaadka, Qorsheynta, Cadaaladda iyo xubno kale, isagoo kala hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa howlaha Maaliyadda ee dalka Soomaaliya loona sii Xoojin lahaa guulaha dhanka Maaliyada ah ee ilaa iyo hada ay gaadhay Dowlada Soomaaliyeed.
Waxaan maanta warbixin ku saabsan xaaladda dib u habeynta dhinaca dhaqaalaha ee dalka ka dhageystay wasiirrada ku shaqada leh iyo khubaro. Waxaan si aad ah uga shaqeyneynaa xoojinta dhaqaaleheenna, horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda ee qaranka iyo dowlad wanaagga. Waxaa naga go’an in aan xaqiijinno guul dhaqaale iyo maaliyadeed oo dalkeennu gaar ayuu yiri” Mahdi Guuleed.
Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa tan iyo markii Madaxweyne farmaajo uu u Magacaabay xilka sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Wuxuu waday kulamo kala duwan iyo booqashooyin uu ku tegayay Xarumaha maaliyadda ee wasaaradaha dowladda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here