Dowladda Soomaaliya oo u jawaabtay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gaashaanka u daruurtay eedaha ah in ammaankii dalka uu faraha ka baxay, waxa ayna sheegtay inay har iyo habeen ka shaqeeyaan sugidda amniga dalka.
Hadalkan ayaa waxa uu imaanaya kaddib shir jaraa’id oo uu magalada Muqdisho ku qabtay hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Wadajir ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur,isla markaana uu ku sheegay in Al-Shabaab ay ku milmeen Hay’adaha Amniga iyo Dakhliga dalka.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa sheegay in amniga dalka soomaaliya uusan xilligaan aheyn sida Siyaasiyiinta qaar ay sheegayaan,isla markaana uu aad uga xumaaday hadallada qaarkood ee kasoo yeeraya siyaasiyiinta.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta hantida iyo badqabka Shacabka Soomaliyeed,hayeeshee aanan loo baaheyn in la jeediyo hadalo siyaasadeed oo sida uu hadalka u dhigay dhiirigelin karo xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here