Dowladda Soomaaliya oo xiriirka u jartay dalka Guinea

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo shir jaraa’id Saxaafadda ugu qabtay Magaalda Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gebi ahaanba xiriirka u jartay Dowladda Dalka Gini (Guinea) oo ku yaalla Galbeedka Qaarada Afrika.
Wasiirka ayaa sababta ku sheegay in Dowaladda Soomaaliya ay xiriirka u jarto dalkaasi Gini inay ku xadgudbeen qaranimada, wadajirka iyo Midnimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay soo badanayaan dalal ku xadgudubaya qaranimada Soomaaliya,isla markaana sameynaya wax meel ku dhac iyo halis ku ah wadanka Somalia inkasto uusan dalalkaasi magacaabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here