Dowladda Soomaaliya xeel dheeriyaal u diraysaa Beledweyne

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaay u direysaa wafdi xaqiiqo raadin ah,kuwaasoo baaritaano ku sameynaya wixii sababay diyaaradii shalay burburtay gagida diyaaradaha Magaalada Beledweyne.
Wafdiga ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar,kaasoo ka mababaxaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee halkaas ku sugan, iyagoo kala hadli doona sida ay ku timid burburka diyaarada sahayda u siday Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here