Dowladda Soomaliya oo sheegtay inuu isku soo dhiibay Sarkaal shabaab ka tirsan

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa sheegay inuu Ciidanka dowlada isku oo dhiibay Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab,oo ka howlgalayay degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha Guutada 16-aad ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Xusay in Sarkaalka oo lagu Magacaabo Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Shabellaha Hoose,isla markaana uu isku soo dhiibay Ciidanka DANAB ee gobolkaas.
Taliyaha ayaa Tilmaamay in Sarkaalkaas uu u sheegay in kadib markii uu u adkeysan waayay dhibaato uu sheegay inay Al-Shabaab ku hayaan dadka Shacabka ah uu go’aansaday inuu isaga soo baxo sida uu hadalkiisa u dhigay.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Taliyaha Guutada 16-aad ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin in Sarkaalka ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku wareejiyeen Hay’adaha Amniga ee Dowladda wuxuuna Xubnaha kale ee ka tirsan Al-Shabaab uu ugu baaqay inay Ciidanka dowladda isku soo dhiibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here