Dowladda Sri Lanka oo mar kale xayiraad saartay isticmaalka baraha bulshada

Dowladda Sri Lanka ayaa lagu soo warramayaa inay mar kale xirtay baraha ay bulshadu ku wada xariirto kaddib markii la weeraray masaajido iyo xarumo ganacsi oo ay dad muslimiin ah leeyihiin.
Shalay ayay ahayd markii dad dhowr ah ay dhagaxyo ku tureen masaajido iyo bakhaaro muslimiinta wadankaasi ay ku ganacsadaan.
Sido kale magaalada ay ku badanyihiin dadka kirishtaanka ah ee Chilaw ayaa nin lagu dilay.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in dhibaatooyinkaasi ay ka dhasheen dood ka billaabatay barta Facebook-ka.
Laamaha ammaanka ayaa sheegaya inay gacanta ku dhigeen Cabdul Xamiid Maxamad Hasmar oo ah ninkii qoraalka ay doodu ka dhalatay soo dhigay Facebook-ga.
Qoraalka ayaa ahaa maalin unbaad ooyn doontaan taasi oo loo fasirtay hanjabaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here