Dowladda Turkiga oo gaadiid ku wareejisay dowladda Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Turkiga ayaa gaadiidka ay Ciidamada qalabka sidda adeegsadaan waxay ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo loogu tala-galay inay si gaar ah u adeegsan doonaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira ururka Al-shabaab.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Difaaca dowladda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay 12 gaari ku wareejiyeen wasaaradda dhigeeda ah ee Soomaaliya, isla markaana gaadiidkaas loogu tala-galay in loo adeggsado safarada dhulka ee aadka u adag xiliyada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya sameeyanayan howlgalada amaanka la xiriira.
Gaadiidkaan lagu wareejiyay Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxay qeyb ka ahaayeen heshiisyo militari iyo iskaashi dhaqaale oo labada dal horay u wada gaareen, waxaana la wareegay gaadiidka Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa yusuf Raage.
Dowladda Turkiga ayaa horey Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu wareejisay gaadiid kala duwan, waxaana labada dowladood ka dhexeeya heshiisyo Iskaashi oo ku saleysan dhinacyo badan ayadoo sidoo kalena ay dowladda Turkigu tahay dalka ugu horeeya ee Soomaaliya ka taageera arrimaha la xiriira tabarada Ciidamada qalabka sidda iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here