Ducaale ma ka badbaadi doonaa xil ka qaadis?

Waxaa aad loo hadal hayaa mustaqbalka siyaasadeed ee hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aaden Barre Ducaale.
Waxaan ilaa iyo hadda kala caddeyn in maanta laga qaadi doono xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda iyo in kale.
Xisbiga Jubilee ayaa shir hore oo uu ku yeeshay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House waxaa uu xilka laga qaaday qaar ka mid ah hoggaamiyaashii aqalka sare sida senetarrada Kipchumba Murkomen iyo Susan Kihika.
Sido kale waxaa isbeddelo lagu sameeyay xubnaha guddiyada kala duwan ee baarlamaanka.
Jubilee oo in muddo ah u muuqatay inay kala qeybsan tahay ayaa waayadii dambe diiradda saareysay inay tallaabo ka qaaddo cid kasta oo loo arko inaynan u hoggaansamin xeerarka xisbiga oo aynan daacadnimo muujin.
Guddomiye ku xigeenka Jubilee David Murathe ayaa sheegay in Aaden Barre Ducaale uu lumiyay kalsoonida xubno badan oo ka tirsan xisbiga .
Murathe ayaa dhanka kale sheegay inay maanta isbeddelo ballaaran sameyn doonaan.
Sido kale waxaa la filayaa in xilalka qaar loo dhiibo siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada KANU, Wiper iyo CCM oo dhawaan heshiis la saxiixday Jubilee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here