Dugsi ardayda ku dhiirrigaliya inay lacago keydsadaan

Maamulka mid ka mid ah dugsiyada hoose dhexe ee ku yaalla dowlad deegaanka Nakuru ayaa billaabay inuu ardayda xilli hore ku dhiirrigeliyo sidii ay lacago ugu keydsan lahayeen bangiyada.
Ardayda kaalimaha hore ka galo imtixaanaadka ee dugsiga St Peter Elite ee magaalada Gilgil ayaa lagu abaalmariyaa lacago caddaan ah kaddibna waxaa lagu booriyaa inay bangiga dhigtaan.
Maamulaha xaruntaas waxbarasho , Simon Mburu oo istaraatiijiyaddan cusub faahfaahin ka bixinaya ayaa yiri waxaana uga gol leenahay inaan carruurta xilli hore ku abaabino dhaqanka wax keydsiga.
Sido kale waxaa uu xusay inay ardayda u diyaariyaan sidii ay ugu baraarugi lahaayeen caqabadaha bulshadooda ka dhex jiro iyo xal u helidooda.
Mr, Mburu ayaa xilli xaflad la qabtay wuxuu lacag dhan 10,000 oo shilinka dalka ah uu siiyay arday kasta oo imtixaankii KCPE-da ee sannadkan ka soo hooyay buundo dhan 400 iyo wixii ka sarreeya.
Ugu yaraan 46 ka mid ahaa 116 arday oo sannadkan dugsigaasi ka sameeyay imtixaanka qaran ee fasalka sideedaad ayaa helay 400 iyo in ka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here