Dugsiga hoose dhexe ee Voi oo la xiray

Waxaa albaabada la isugu dhuftay dugsiga hoose dhexe ee deegaanka Voi ee ismaamulka Taita Taveta , gobolka xeebta .
Tani ayaa timid kaddib markii saddex ka mid ah macallimiinta xaruntaas laga helay cudurka COVID-19.
Waxaa arrinkan warbaahinta u xaqiijiyay madaxa waxbarashada ee Taita Taveta Simon Wanjohi.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in 27 barayaal dheeraad ah la karantiilay halka 300 oo ah ardaydii dugsiga dhiganayay la fasaxay.
Mr. Wanjohi ayaa sheegay inay kaashanayaan wasaaradda caafimaadka ee dalka si loo dardargeliyo geedisocodka baaritaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here