Dugsiga Moi Girls ee Mandera oo uu dab labaad xalay ka kacay

Waxaa markii labaad bishan gudaheeda uu xalay dab qabsaday dugsiga sare ee gabdhaha ee Moi Girls oo ku yaalla ismaamulka Mandera.
Dabka ayaa burburiyay mid ka mid ah xarumaha jiifka ee dugsiga.
Saddex ka mid ah ardayda oo ay dhaawacyo soo gaareen ayaa la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Mandera.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dabka uu kacay abaare 8-dii fiidnimo ee xalay halka gacanta lagu dhigay howlwadeeno isugu jiro macallimiin iyo waardiyayaal si arrintan wax looga weydiiyo.
14-kii bishan ayay ahayd markii dab kale oo isla dugsiga Moi Girls ee Mandera saameeyay uu burburiyay qeybta hooyga ee xarunta waxbarasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here