Dugsiga sare ee gabdhaha ee Starehe oo la xiray

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in si lama filaan ah albaabada la isugu dhuftay dugsiga sare ee gabdhaha ee Starehe ee magaaladatani Nairobi iyadoo ardayda la kala diray.
Arrintan ayaa timid kaddib markii cudur ilaa iyo hadda aan la garan laga soo tabiyay xaruntaasi waxbarasho.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in ugu yaraan 50 arday ah uu xanuunkan saameeyay
Agaasimaha dugsiga sare ee gabdhaha ee Starehe , Jane Soita ayaa sheegtay in baaritaano dhanka caafimaadka ah la sameynayo.
Waxay sido kale hoosta ka xarriiqday in xaaladdu aynan ahayn mid aad u daran sidaasi awgeedna ay maanta rajeynayaan in la soo saaro natiijada baaritaanada socdo.
Sido kale waxay sheegtay in lala xariiray oo la wargeliyay waalidiinta iyo dadka mas’uulka ka ah gabdhaha xanuunkan lagu arkay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here