Dugsiga sare ee Musinga ee Kakamega oo uu dab ka kacay

Dab ayaa ka kacay maanta hoyga dugsiga sare ee Musingu High School, oo ku yaala dowlad deegaanka Kakamega.
Gubashada iskulkaas ayaa imaanaysa laba maalmood un ka dib markii ay arday dib ugu laabteen goobaha waxbarashada.
Ardayda fasalka afaraad ee dugsiga sare iyo ardayda fasalka sideedaad iyo midka afaraad ee dugsiga hoose dhexe oo kaliya ayaa loo fasaxay inay iskuulada tagaan.
Taliyaha booliska koonfurta Kakamega Joseph Chesire ayaa sheegay in dadka deegaanka ay kaalin weyn ka qaateen daminta dabka .
Dabka ayaa qabsaday hoyga ardayda saacadu markii ay ahayd 11:30 barqanimo ee maanta xili ay ardaydana fasalada ku jireen.
Guriga loogu talagalay inay seexdaan ardayda ayaa gabi ahaanba waxaa burburiyay dabka mana jirto arday ku waxyeeloowday .
Sababta dhalisay dabka ayaana wali xaqiijin inkasto baaritaano ay socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here