Dugsiyada dalka oo la furi doono marka laga guulaysto COVID19

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay inay sii xirnaanayaan dugsiyada wadanka ilaa iyo inta laga guulaysanaya fayraska corona.
Waxaa uu xusay in go’aankan lagu saleeyay talooyinka hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay inaynan macquul ahayn in sida uu hadalka u dhigay lagu nasiibsado nolosha ardayda wadanka.
Dhanka kale waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in keliya labo ka mid ah machadyada farsamada ee dalka ay buuxiyeen shuruudaha lagu xiray dib u furka xarumaha.
Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in xarumaha waxbarashada la furi doono kaddib marki wada tashi dheeraad ah lala yeesho dhinacyada kala duwan sida waalidiinta , ururada macalliiminta iyo cid kasta oo kaalin ku leh howlaha tacliinta ee wadanka.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here