Dugsiyada dalka oo lagu wareejinaya in ka badan hal bilyan oo shilin

Dowladda dhexe ayaa qorsheynaysa inay labada bilood ee nagu soo aaddan dugsiyada ku wareejiso dhaqaale gaaraya 1.6 bilyan oo shilin ka hor inta aan dib loo furin bisha koowaad ee sannadka 2021-ka.
Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa in fasallo dheeraad ah iyo xarumo kale oo muhiim u ah howlaha tacliinta lagu dhiso.
Waxaa barnaamijkan oo uu maalgelinayo bangiga adduunka shaaca ka qaaday xoghayaha sare ee wasaaradda waxbarashada u qaabilsan dhanka maamulka Zack Kinuthia.
Mr. Kinuthia ayaa sheegay in lacagtan ay ka faa’iidaysan doonaan 30 ka mid ah ismaamullada dalka.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in dowladda ay aad ugu danaynayso ardayda iyo macallimiinta sidaas awgeedna dugsiyada wadanka dib loo furi doono oo keliya marka badqabkooda si buuxda loo xaqiijiyo.
Waxaa uu ka jawaabayay bayaan maalmo ka hor ka soo baxay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo wadamada qaaradda Afrika loogu baaqay inay xarumaha waxbarashada dib u furaan iyadoo badqabka la tixgelinaya.
WHO ayaa sheegtay in saameyn aan wanaagsaneyn ay ka dhalatay dugsiyada bilooyin badan xiran.
Hasa ahaate Prof. Magoha ayaa xusay in hay’adda ay soo jeedisay talooyin caafimaad oo la doonayo in la raaco balse aynan jirin cid dowladda ka jecel xaqiijinta badqabka ardayda dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here