Dugsiyada oo laga dalbaday inay dib u celiyaan lacagaha ay waalidiinta bixiyeen

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maanta faray dugsiyada hoose iyo kuwa sare inay u celiyaan walidiinta bixiyay lacagtii fiiska ee xilli dugsiyeedka labaad iyo kan saddexaad ee sannadkan.
Xili uu maanta warbaahinta la hadlay ayuu sheegay in waalidiinta iyo iskuulada sidoo kale ay la imaan karaan heshiis kaas oo ah in walidiintii bixiyay lacagtii fiiska aysan bixin labada xili dugsiyadeed ee ugu horeyo marka dugsiyada dib loogu laabto sannadka dambe.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadayo xilli uu shalay sheegay in dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee wadanka dib loo furi doono bisha ugu horreysa ee sannadka 2021-ka .
Waxaa uuna arrintaasi u aaneeyay in jadwal dugsiyeedka sannadkan uu yahay mid coronavirus awgii la lumiyay
George Magoha oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta machadka horumarinta manaahijta ee KICD magaalada Nairobi ayaa sheegay in go’aankan uu ka soo baxay wada tashiyo ay yeesheen saamileyda arrimaha tacliinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here