Dugsiyada oo laga yaabo in dib loo furo bisha Oktoobar

Dugsiyada ayaa laga yaaba in dib loo furo 19-ka bisha Oktoobar ee sannadkan iyadoona ardayda fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee imtixaanaadka qaran ee shahaadiga u fadiisan doonaan bisha Abriil ee sannadka2021.
Guddi uu magacaabay wasiirka wasaaraada waxbarashada Prof. George Magoha arrimaha dib ufurka goobaha waxbarashada ayaa arrinka soo jeediyay.
Guddiga iyo saamileyda waxbarashada ayaa sidoo kale waxay soo jeediyeen in sannad dugsiyeedka labaad dib loo bilaabo bartamaha bisha Oktoobar uuna dhamaado bisha Nofeembar halka xilli dugsiyeedka saddexaad u bilowdo bisha Janaayo ee sannadka 2021-ka uuna dhammaado bisha Maarso ila sannadkaasi.
Jimcihi ayey ahayd markii wasiirka waxbarashada ee dalka Pro George Magoha uu sheegay in dhawaan la furi doono xarumaha waxbarashada ee dalka.
Magoha ayaa marar badan sheegay in dib u furka dugsiyada ay ku xiran tahay sida loola tacaalo cudurka COVID19.
Magoha ayaa sheegay in toddobaadka soo socdo ama ka hor 24-ka bishan la qaban doono kulan ballaaran oo looga arrinsanaya xilliga ay ardayda dib ugu laabanayaan dugsiyada.
Sido kale waxaa uu xusay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu shaacin doono taariikhda rasmiga ee dib loo furaya xarumaha waxbarashad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here