Dugsiyada oo laga yaabo in dib loo furo ka hor bisha koowaad ee sannadka 2021-ka

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in dowladda diyaar u tahay in ay wax ka badasha taarikhda dib loo furaya goobaha waxbarashada iyadoo lagu saleyn doono xaaladda covid-19 ee dalka.
Isagoo ka duulaya kiisaska hoos u dhacay ee COVID-19 ayuu wasiirka carabka ku dhuftay in xilliga dugsiyada dib loo furaya laga yaabo in laga soo horumariyo bisha koowaad ee sannadka 2021-ka sidii markii hore la qorsheeyay .
Prof .Magoha ayaa arrintaan sheegay xili uu koormeer ku sameeynayay heerka diyaargroowga xarumaha waxbarasho ee ismaamulka Migori.
Magoha ayaa adkeystay in dugsiyada dib loo furaya marka sida ugu habbon loogu diyaar garoobo lana meel dhigo amarrada la xariira ka hortagga cudurka COVID-19 iyo badqabka ardayda.
Dhanka kale barsaabka ismaamulka Migori Okoth Obado ayaa dowladda ku boorriyay inay horumariso kaabayaasha dugsiyada si ardayda ay uga badbaadaan cudurka marka goobaha waxbarasho dib loogu laabto.
Waxaa uu ugu dambeyntii walidiinta ka codsaday inay si wanaagsan u daryeelaan carruurtooda inta lagu jiro muddada ay guryaha ku sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here