Dugsiyada oo laga yaabo inaynan dib u furmin sannadka cusub

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay inay suurtagal tahay inaan bisha ugu horreysa ee sannadka 2021-ka dib loo furin dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee wadanka.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in xarumahan oo albaabada la isugu dhuftay bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan fayraska corona awgii la furo bisha Janaayo ee 2021-ka balse waxaa laga yaaba qorshahaas in dib u sii dhaco.
Wuxuu wasiirku intaa ku daray in go’aanada dib u furka dugsiyada lagu saleenayo tallaabooyinka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19.
Hadalkan ayuu sheegay xilli uu maanta la kulmay guddiga qaran ee waxbarashada.
Dhanka kale waxaa uu xusay in dhaqaale yarida lagu taageerayo ballaarinta kaabayaasha iskuullada ay caqabad weyn tahay.
Wasiirka ayaa xusay in kiisaska sii kordaye ee maalinha ee riixi karta in dugsiyada dib loo furin bilowga sannadka cusub.
Illaa iyo hadda, in kabadan 124 dugsiyada sida gaarka loo leeyahay ayaa xirmay kaddib markii saameyn xooggan ka soo gaartay cudurka COVID19

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here