Dugsiyada sida gaarka loo leeyahay oo helayo amaah dhan 7 bilyan oo shilin

3000 oo ah dugsiyada sida gaarka loo leeyahay ayaa lagu wadaa inay ka faa’iidaystaan lacag amaah oo dhan 7 bilyan oo shilinka dalka oo ay ka helayaan dowladda dhexe.
Lacagtan deynta ayay xarumahan u adeegsan doonaan horumarinta kaabayaasha tacliinta marka iskuulada dib loogu laabto bisha Janaayo ee sannadka 2021-ka.
Lacagtan ayaa waxaa la socoto dulsaar ah boqolkiiba 2.5 ilaa 3.5 waxayna dugsiyadan ka caawinaysaa nidaamyada dhanka tiknolojiyadda.
Wasiirka wasaarada waxbarashada Prof .George Magoha ayaa sheegay in wasaaradiisa ay fahansan tahay marxaladda ay ku jiraan dugsiyada sida gaarka loo leeyahay waana sababta ay dowladdu xarumaha waxbarashada u amaahinayso lacagtan .
Dugsiyada lacagtan heli doonno ayaa sidoo kale la filaaya inay dhaqaalahan u adeegsadaan dhisidda fasallo dheeraad ah si loo xaqiijiyo in ardayda aynan aad isugu dhaweyn.
Sidoo kale waxay ku soo iibsanayaan agabyada looga hortagga cudurka Covid-19 si loo hubiyo heerarka ugu sarreeya ee nadaafadda.
Dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ayaa wajahayay caqabado la xiriira bixinta mushaaraadka macalimiinta ee afartii bilood ee ugu dambeeyay oo ay dugsiyada xirnaayeen.
Maareynta howlaha xarumahan ayaa ku xiran lacagta lagu dhigto dugsiyada ee fiiska ee ay walidiinta bixiyaan.
Dhawaan ayey ahayd markii wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha uu sheegay inay suurtagal tahay inaan bisha ugu horreysa ee sannadka 2021-ka dib loo furin dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee wadanka.
Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday in sababta dugsiyada wadanka ay u xiran yihiin ay tahay in ardayda laga badbaadiyo coronavirus.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dib u furka dugsiyada ay ku xiran tahay sida loola tacaalo xaaladaha caabuqa corona ee dalka ee sii kordhaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here