Dugsiyada sida gaarka loo leeyahay oo la dhibaatoonaya bixinta mushaaraadka barayaasha

Dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ayaa wajahaya caqabado la xiriira bixinta mushaaraadka macalimiinta ee bishan.
Madaxa fulinta ee ururka iskuulada sida gaarka loo leeyahay Peter Ndoro ayaa sheegay in dugsiyada aysan awoodi doonin inay bixiyaan mushaaraadka macallimiintooda iyo shaqaalaha kale dhammaadka April.
Waxa uu dhanka kale sheegay in maareynta howlaha xarumahan ay ku xiran yihiin lacagta fiiska ee ay walidiinta bixiyaan taas oo uu xusay in musiibadan hadii ay sii jirto ay la micno tahay in dugsiyadan aynan sii shaqeyn doonin.
Waxaa uu intaa ku daray in in ka badan 1,932 ee dugsiyada sarre oo ah kuwa sida gaarka loo leeyahay ay ku yaalla wadanka halka dugsiyada hoose ay gaarayaan 8,000 guud ahaan dalka.
Waxay dugsiyadan badankoodu ku yaallaa Nairobi, Mombasa, Kisumu, Eldoret, Nakuru, Machakos, Athi River, Kitengela iyo Nyeri.
Bishii hore ayey ahayd markii , Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu amray in dhammaan xarumaha waxbarashada la xiro si loo yareeyo faafitaanka cudur sidaha coronavirus .
15 milyan oo ah arday wax ka barata xarumaha kala duwan ee waxbarshada ayaa hadda ku sugan guryahooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here