Dugsiyada Singapore oo dib u furmay

Waxaa dib loo furay xarumaha waxbarashada ee dalka Singapore kaddib markii la qafiifiyay xayiraado horay loo soo saaray oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Covid-19.
Xayiraadda la fududeeyay ayaa dalkaas ka jirtay ku dhawaad laba bilood.
Ardayda ayaa maanta oo Talaado ah dib ugu laabanaya dugsiyada hasa ahaate waxaa la baarayaa heer kulka jirkooda , inay maaskaro sitaan ayaa la xaqiijinaya sido kalena waxaa la diyaariyay gacmaha nadiifiyaha loo yaqaano Hand Sanitizer.
Laga billaabo maanta waxaa sido kale dib u billaabmaya ganacsiyada qaar sida goobaha haweenka lagu qurxiyo.
Singapore waxaa laga diiwaangeliyay in ka badan 35,000 oo ah xaaladaha fayraska coronavirus iyo dhimasho dhan 24.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here