Dukaamada safaricom oo maanta saacado la xirayo

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa sheegtay in laga billaabo 10:30 barqanimo ilaa iyo 2:30 galabnimo ee maanta ay xirnaan doonaan dhammaan dukaamada iyo xarumaha ay ku leedahay guud ahaan dalka.
Arrintan ayaa ku aaddan baroordiiq xarun diimeedka All Saints Cathedral ee magaaladatani Nairobi loogu sameynayo madaxii fulinta ee shirkadda ee maalmo ka hor geeriyooday Bob Collymore.
Meydka Mr. Bob ayaa 2-dii bishan lagu gubay xaafadda Kariokor ee Nairobi hal maalin un kaddib markii uu u dhintay cudurka Kansarka oo in muddo ah uu la xanuunsanaa.
Noolosha mas’uulkan hore oo 61 sano jir ahaa ayaa waxaa galaaftay jooca kansarka ee ku dhaca dhiigga ee loo yaqaano AML.
Mr.Collymore ayaa waxaa uu dunida uga tagay xaaskiisa iyo afar carruur ah oo uu dhalay.
Xaaska Mr. Collymore Mrs. Wambui Kamiru Collymore ayaa qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ku sheegtay inay si weyn ugu riyaaqday qaabka ay Kenyaanka u garab istaageen , ugu tacsiyeeyeen oo ayna murugada ula qeybsadeen.
Bayaan ay Safaricom soo saartay ayaa lagu sheegay in munaasabadda baroordiiqa ay billaaban doonto 11-ka barqanimo.
Xilkii uu hayay Bob Collymore oo shirkadda Safaricom madax ka ahaa tan iyo sannadkii 2010-kii ayaa waxaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Michael Joseph oo horay shirkadda madax uga soo noqday.
Xoghayaha shirkadda Safaricom Kathryne Maundu ayaa sheegtay inay raja weyn ka qabaan in Mr. Michael Joseph oo aqoon iyo waaya aragnimo xeel dheer leh uu sii wado shaqadii uu hayay mas’uulka geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here