Dukaamada waaweyn iyo goobaha haweenka lagu qurxiyo oo dib loo furayo dalka Turkiga

Dalka Turkiga waxay dawladda ogolaatay in dib loo furo dukaamada waaweeyn ee ganacsiga, tima jaraha iyo goobaha lagu quurxiyo haweenka muddo labo bilood ah kadib markii dalkaasi xayiraad lagusoo rogay si loo xakameeyo faafitaanka fayraska korona.
Waxaa jiro tallaabooyin cusub iyo in lagu dadaalo nadaafada si loo xakameeyo kiisaska cusub.
Dalkan ayaa waxaa uu maanta oo Isniin ah bilaabay in uu khafiifiyo xayiraadihii sarnaa iyada oo ay hoos u dhaceen tirada kiisaska fayraska korona iyo weliba dhimashada.
Balse waxaa weli xirnaan doona maqaayadaha iyo goobaha lagu caweeyo.
Maalinkii Axadda ayaa muwaadiniinta ay da’adodu weeyn tahay loo ogolaaday inay dibadda u bixi karaan muddo toddoba isbuuc ah kadib.
21-kii bishii Maarso ayaa waxaa dadka ay da’aadoodu ka sarreysa 65 sano lagu amray inay guryaha joogaan maadaama ay u nugul yihiin fayraska.
24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa dalkaas fayraska ugu dhintay 47 qof, waxaana la xaqiijiyay kiisas dhan 1,542.
Guud ahaan dadka fayraska korona ugu dhintay dalkaasi Turkiga waxaa ay dhan yihiin 3,786 iyo kiisaska guud oo ah 138,657.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here