Duqa magaalada Seoul oo ay booliska heleen meydkiisa

Park Won-soon, duqa caasimada South Korea,ee Seoul, ayaa meydkiisa la helay, sida ay ku warramayso wakaalada wararka maxalliga ah ee Yonhap.
Meydkiisa ayaa waxaa ay booliska ka heleen waqooyiga magaaladaasi, sida ay soo tabisay wakaaladda oo soo xiganayso booliiska.
Wakaalada Booliska ee Magaalada Seoul ayaa maydkiisa ka heshay waqooyiga Seoul, meel u dhow halka calaamada taleefonkiisa ugu danbeesay, in ka badan toddobo saacadood oo boolisku ay baadi goobayeen.
Gabadhiisa oo booliska ku wargelisay in uu maqan yahay ayaa sheegtay in uu ku dhaafay farriin uu ku macsalameenayo.
Qiyaastii 300-400 oo saraakiil ah iyo diyaarad drones-ka ah ayaa laga loo xil saaray baaritaanka, sida ay sheegeen booliisku.
Park, oo muddo dheer u ololeeya arrimaha bulshada sido kale nah ahaa qareenka xuquuqda aadanaha, ayaa loo doortay duqa magaalada Seoul sannadkii 2011-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here