Duqa Muqdisho oo digniin u diray waaxyaha dowlada Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) oo kormeeray xaafadaha ay sameeyeen roobabkii ka da’ay Caasimadda Soomaaliya ayaa faray laamaha Dowladda Hoose iyo waaxyaaha gurmadka degdegga ah inay u istaagaan ka hortagga dhibaatooyinka binu aadaninimo ee xilliyada roobabka soo food saara dadka danyarta ah ee ku nool goobo Magaalada muqdisho ka mid ah.
Guddoomiyaha ayaa kormeeray degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamarweyne, Wadajir, xamar Jajab iyo isgooska nambar afar dhamaan goobahaasi oo ka mid ah meelaha saamayntu ay shacabka gaadhsiiyeen roobabka lixaada leh ee ka da’ay Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa kala qeyb qaatay laamaha gargaarka degdegga ah ee Dowladda Hoose iyo bulshada ku Nool Waaxda Yuusuf Alkowneyn ee Degmada Boondheere samata bixinta qoys uu ku soo dumay gurigoodo kadib roobabkaas Xoogan.
Guddoomiye Cumar Filish oo ka dhageystay bulshada degmooyinka uu kormeeray xaaladdooda nololeed ayaa kula dardaarmay inay si dhow isaga warhayaan, gacanna u fidiyaan qooysaska ay roobabku waxyeelyeen.
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay Maamulka Gobolka inay ka shaqeeyaan yareynta xaaladda binu aadanimo ee soo food-saarta dadka danyrata ah, xilli roobaadka, qorshahaas oo ay muhiim tahay inay gacan ka geystaan qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan ganacsatada iyo ururrada samafalka.
Dhanka kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa amray in la dardar geliyo howlaha faya-dhowrka Caasimadda, degdegna ay howlwadeennada Dowladda Hoose uga shaqeeyeen sidii loo furi lahaa dhamaan marinnada halbowlaha u ah isu socdka bulshada, lana yareeyo saameynta biyaha qulqulaya ay ku leeyihiin nolasha iyo bilicda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here