Duqa Muqdisho oo go’aan adag soo saaray

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa go’aan adag ka soo saaray shirkadaha qaar ee laamiga burburiya si ay waxyaabo muhiim u ah shaqadooda u dhex mariyaan.
War ka soo baxay duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in sharciga lala tiigsan doono islamarkaana uu ciqaab adag mari doono cidkasta oo arintaas ku dhiirata si ay u fushtaan danahooda gaarka ah.
Go’aankaan ka soo baxay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ku soo aadaya iyadoo qaar kamid ah shirkadaha ka howlgalla dalka soomaaliya lagu eedeyo inay xilliyada qaar waxyaabo ay kamid yihiin fiilooyin ay dhexmariyaan laamiyada,iyaga oo burburiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here