Duqa Muqdisho oo guddoomiyay Shirka todobaadlaha ee G/Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shir Gudoomiyay Kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Todobaadkii mar la qabto kaas oo looga hadlay Xoojinta Horumarka Caasimadda iyo isla-xisaabtanka,waxaana isugu yimaada Hogaanka Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxda Degmooyinka.

Qodabadii Shirkani looga Hadlay waxaa Kamid ahaa Amniga, kor u qaadista Kobaca Dhaqaalaha, Nadaafada,Ciyaaraha, Canshuuraha iyo Hoos u Daadajinta adeegyada Dowlada Hoose ee Xamar.

Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa Kula Dardaarmay Madaxda Degmooyinka Gobolka Banaadir in Bulshada si Hufan loogu Qidmeeyo iyo sidoo kale Xoojinta Wadashaqeynta Maamulka Degmada, Laamaha amniga iyo Shacabka si Loogu Guuleysto ka Hortaga dadka falalka amni-darro ka geysta Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here