DHAGEYSO:Duqa Muqdisho oo sheegay in Amaanka Caasimada la sugay

Guddoomiyaha gobolkan Banaadir ahna duqa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in la xaqiijiyay amniga Guud ee magaalada muqdisho,isla markaana dhawaan ay furayaan wadooyinka xiran ee Caasimada dhexdeeda ah
Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in maadaama ay xaqiiqsadeen in Amniga Muqdisho uu hagaagay koontoroolada faraha badan la qaadi doona si bulshada ay u dareemaan in nabad la gaaray.
Ugu dambeyn guddoomiye Cumar Filisha ayaa u mahad celiyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgalla Magaalada muqdisho oo uu sheegay in amniga maanta la heysto ay iyaga dhaliyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here