Duqa Muqdisho oo xilka ka qaaday Guddoomiyaha Wadajir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamed Maxamuud Finish ayaa Xilka Ka Qaaday Gudoomiyihii Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Ow Cali.
Guddoomiye Cumar Filisha ayaa Guddoomiyaha degmada Wadajir u Magacaabay Bashiir Mohamed Ali oo xilkaas la wareegaya.
Waxaa uu guddoomiyaha cusub ee degmada kula dardaarmay inuu si deg deg ah wax uga qabto dhibaatooyinka ka jira degmadaasi.
Degmada Wadajir ee Magaalada Mqudisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ka jiray cabasho ay dadka degaanka ka muujinayeen maamulka.
Degmooyin badan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa mararka qaar waxaay shacabka ku nool cabashooyin ka Muujiyaan dhibaatooyin ay sababeen roobabka Muqdisho kuwii ka da’ay maalmihii lasoo dhaafay ayaa saamayn weyn ku yeeshay Magaalada waxaana xirmay qaar badan oo ka mid wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka Magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here