Duqaymo dhanka cirka ah oo ka dhacay gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa waxaay sheegayaan in xalay Saqdii dhexe diyaarado dagaal ay duqeyn ka fuliyeen deegaano hoostaga degmooyinka Ceel-waaq iyo Baardheere ee gobolkaas Warbaahinta gudaha Soomaaliya
Sheegtay inay duqayntu khasaare dhalisay.
Waxaa wararku intaas ku darayaan in deegaanka Cows-qurun oo qiyaastii 70 km dhanka koofureed kaga beegan degmada Ceel-waaq ay duqeyn culus ka dhacday,isla markaana ay ku geeriyoodeen Haweeney iyo laba caruur ah oo ay dhashay halka mid kale uu soo gaaray dhaawac culus sidaas warbaahinta Soomaaliya ayaa ku waramaysa.
In kastoo sirasmi ah aan loo ogeyn diyaaradaha duqeymaha ka fuliyay deegaannadaas ayaa waxaa dhowr jeer oo hore duqeymo culus deegaannadaas ka fuliyay diyaaradaha dagaalka ee ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Waa habeenkii labaad oo deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ay diyaarado duqeyn ka geystaan,waxaana habeen ka hor ay sidaan oo kale diyaarado duqeyn kaga geysteen deegaano ku yaal xadka kala qeybiyo Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here