Duqaymo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Jubada dhexe.

Wararka ka imaanaya magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan xalay ay halkaas ka dhaceen duqeyn lagu bartilmaameedsaday Xooggaga Al-Shabaab.
Bartilmaameedka duqeyntaas ayaa saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya waxay sheegeen inuu ahaa xarun ay ku kulan sanaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo iskaga kala yimid deegaanda ay dalka Soomaaliya kaga sugan yihiin.
Warbaahinta gudaha Soomaaliya ayaa baahisay in Nin lagu magacaabo Sheikh Xuseen Filow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Jubbooyinka uu dhaawac ka soo gaaray duqeyntaasi sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Soomaaliya.
Sidoo kale meel duleedka ka ah degmada Jilib gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Xaramka, ayaa la sheegay in isla xalay ay diyaaraduhu duqeyn ka geysteen, halkaasoo fariisimo ciidan ay ku lahaayeen Al-Shabaab.
Kolonyo gaadiid ah oo Al-shabaab leeyihiin ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday duqeyntaas, waxayna saraakiishu sheegeen in Aadan Geedi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa arimaha gaashaandhigga lagu dilay duqeynta ka dhacday deegaanka Xaramka.
Isgaarsiinta deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee dalka Soomaaliya oo maqan ayaaysan suurta galin in dhamaan la helo wararka ku saabsan duqaymahaasi.
Lama oga wadanka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay duqeyntaas, sidoo kale ma jirto cid ka madax banaan saraakiisha Soomaaliya ka hadashay xaqiijinta duqeymaha la sheegay inay xalay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe,balse inta badan diyaaradaha dalka maraykanka ayaa waxay duqaymo ka Fuliyaan qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan meelaha ay ku sugan yihiin xoogga AL-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here