Duqaymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose oo la faahfaahiyay

War-saxaafadeedyo ay soo saareen Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya iyo taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo ay Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 9/3/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Janaale ee Gobalka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Weerarkaas ayuu Mareykanku sheegay inay ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab,sida uu sheegay Agaasime kuxigeenka Howlgalada Africa ee Marykanka Miguel Castellanos.
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in hada ay qiimeyneynaan hadii ay jiraan dad rayid ah oo ay waxyeelo ka soo gaadhay duqaymahaasi.
Warka ka soo baxay taliska Africom ayaa lagu sheegay in Mareykanka ay si dhow ula shaqaynayaan la-hawlgalayaasha caalamiga ah dadaallada la xiriira horumarinta waaxyaha amniga, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, AMISOM iyo waddamada kale ee ku tabaruca ciidamada Wadajir ahaan, ayna ka go’an tahay horumarka Soomaaliya ee sii kordhaya.
Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 waxay kordhiyeen weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka howlgasha Soomaaliya,waxaana bilihii ugu dambeysay duqeyntii ugu badneyd uu ka fuliyey Gobolada Jubbada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntaas sidii loogu tala galay loo fuliyay.
Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay inay weli socdaan howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab,isla markaana duqeymihii dhacay sanadkaan 2020-ka tirada Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee lagu diley ay gaarayaan ilaa 27 Xubnood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here